Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 27-aad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Xamar jajab iyo Boondheere oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Xamar jajab iyo Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Xamar jajab
Tartameyaasha Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Degmada Boondheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar jajab ay heleen waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.
Boondheere
Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay Lix (06) dhibcood.
Hadaba kulankii 27-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afar dhamaadka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 50$ waxaa ka jawaabtay Iqra Maxamed Warsame oo joogta Degmada Hodan, taasi oo ku guuleysatay 50$ oo ay bixineyso Bankiga IBS.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 28-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir, waxaana degmadii badisa ay u gudbi doontaa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka