Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo ciidamada gurmadka deg-dega ee loo yaqaanno RSF, ayaa dib uga qarxay magaalada Khartuum, saacado kaddib markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad joojin waqti kooban ah.
Labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa isku adeegsanaya hubka culus iyo kan fudud, waxaana magaalada qeybo kamid ah laga maqlayaa qaraxyo waaweeyn iyo hugunka hubka ay is dhaafsanayaan labada dhinac.
Hoggaamiyaasha ciidamada dagaalamaya ayaa shalay galinkii danbe aqbalay heshiis xabbad joojin muddo 24-saac ah, hasa ahaatee dagaalka ayaa dib u qarxay, waxa ayna labada dhinac midbo kan kale ku eedeenayaan inuu ka baxay heshiiskii xabbad joojinta.
Dowladda Mareykanka iyo dowlado kale ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha ciidamada dagaalamaya in xabbad joojin gaaraan , waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in dagaalka la joojiyo dibna loogu laabto miiska wadahadalka.
Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ayaa galaaftay nolosha dad ka ku dhaw 200 qof, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawacahba ay kasii bataan inta hadda la ogyahay.