Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta XFS Xildhibaan Saalax Shariif Siidkey ayaa magaalada Baydhabo ku kormeeray xarumo uu Afurin ugu Sameynaayey Bishaan Barakeysan Dadka danta yar.
Wasiir Saalax Sharif Siidkey ayaa bil walbo oo Soon ah afur u sameeya kumanaan qof oo Kamida Dadka Danta Yar.
Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaysaty afurkan ayaa wasiir Saalax ugu mahadceliyey Talaabada Wanaagsan uu qaado sanad walbo markii la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Saalax Sharif Siidkey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta XFS ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wax u qabashada bulshada isagoona masuuliyiinta kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan caawinta wallaala hooda.