Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda farxadda Ciidul Fitriga kula qaatay xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.
Guddoomiyaha ayaa salaan la dhex maray Bulshadii u soo damaashaad tagtay xeebta Liido oo isaga kala yimid Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka, isagoo u rajeeyay in maalintaan weyn ee Ciidul Fitriga ay Farxad iyo Nabad ku qaataan.
Duqa Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.