Ciidanka booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan inuu dhaawac u geystay Maxamed Cabdullahi Sheekh Muuday 31 jir ah, kadib markii uu caloosha toorey uga dhuftay xalay.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ay ka soo qabteen isla degmada Waaberi oo uu ku dhuumaaleysanayay, iyadoo cadaaladda la waafajin doono.
Ciidamada Boliiska ayaa maalmahan degmooyinka iyo degaanada u dhaw kawaday howlgallo amniga lagu xaqiijinayo taa oo ay ciidamada ku soo qanteen kooxa ku howlanaa falal lidi ku ah amniga caasimada,waxaana xusid mudan in ciidamada boliiska ay kaalin muuqata ka qateen in Bishii Ramadaan ummadda soomaaliyeed ay si nabad galyo ah ay ku dhameysteen