Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta aaladda fogaan aragga kaga qeybgalay Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Caafimaadka ee dalalka Carabta, kaas oo looga hadlayay arrimaha kasoo cusboonaaday wadanka Suudaan.
Wasiirka Caafimaadka Suudaan Dr Haitham Awad ayaa ka warbixiyay xaaladda qeybta Caafimaadka ee dalka Suudaan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaallada ka qarxay wadankaasi, warbixinta ayuu Wasiirku ku codsaday in lalasoo gaaro gurmad Caafimaad oo deg deg ah, isuguna jira dawooyin iyo agab Caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo qeyb ka ahaa shirka ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Suudaan dhibaatada kasoo gaartay shaqaaqooyinka ka socda Caasimadda iyo gobolada kale ee wadanka Suudaan,ย waxa uuna sidoo kale Alle uga baryay in uu ugu deeqo nabad waarta.
Golaha ayaa u muujiyay garab istaag walaalnimo walaalahood Suudaan, waxeyna goโaamiyeen in goobaha xaaladuhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka Caafimaadka ah, kaasoo isugu jira Dawooyin iyo agab Caafimaad.