Shir looga hadlayay dadaalada daadgureynta muwaadiniinta. Soomaaliyeed ee laga samatabixinayo dagaallada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen ayaa maanta lagu qabtay Garoonka Aadan Cabdulle.
Kulankan oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Haruuse soona qabanqaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xamza Aadan Xaadoow, wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkani soo daadgureysay ku dhowaad 312-qof oo isagu jira dhallinyaro, haween iyo carruur, kuwaasoo bilowgii dagaalka Suudaan u cararay xuduudaha Dalalka Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.