Guddoomiyaha Maamulka degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fardax ayaa sheegay inay dib u dayactirayaan isgoyska Fagax oo ka mid ah goobaha ay biyaha fariistaan.
Guddoomiye Suleymaan oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay kulamo kala yeesheen shirkad Turkey ah oo horay u dhistay isgoyska Fagax, kuwaasi oo balan qaaday inay Dib u dhisayaan waddadaasi.
Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maamulka degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fardax ayaa injineerada Turkida ah uga mahadceliyay dib u hagaajinta waddadaasi