Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamud Macallin Cabdulle ayaa shir guddoomiye shirka todobaadlaha ee Hay’adda, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda kala duwan ee hay’adda oo u horeeyo Gudoomiye ku-xigeenka Dr Axmed Cabdi Aadan.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira Webiga Shabeelle oo fataahaado ku dhuftay Magaalada Baladwayne iyo sidii deg deg loogu gaari lahaa dadka ka soo barakacay fatahadaas.