Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaaย Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey tagriibka ย oo ay soo ย qabanqaabiyeen Midowga Yurub.
Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida aay muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.
โ Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaankaย oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Swedenโ ayeey tiri Maryan Yaasiin Xaaji.
Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadahaย ย ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.











