Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Shacabku waxa ay si toos ah Warbaahinta uga daawan doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan “Shacabku waxa ay si toos ah Warbaahinta uga daawan doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos Warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Golaha Wasiirrada XFS oo baaq ka soo saaray abaarta ka jirta dalkeenna

February 5, 2026
Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

February 5, 2026

“Qaraarkii shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada waa mid ka turjumaya in lacagaha shancuurta ah ee laga qaado dadka aysan ku dhicin gacan qaldan ama loo adeegsado dano gaar ah, isla markaana ujeedkii loo qaaday oo ahayd in bulshada loogu adeegayo lagu qabto, waana waxa aan raabno inaan ku taageerno Xukuumadda”.ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in la qaraabeysto ama laga soo dabo ordo qof cunay hanti Qaran ama lagu tuhmayo, waxaana uuna intaa ku daray in shaqsigaas la marsiin doono sharciyada dalka u degsan haddii wax lagu helo ama lagu waayo.

Madaxweynaha ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay Xukuumadda ku taageeraan qaraarkii ay shalay meelmarisay, si loo dhaqangeliyo, maadaama Xukuumaddu ay ka go’antahay fulinta qaraarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Maxkamadaha iyo saxaafadda waxaan ku dhiirigelinayaa in marka la qaadayo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa in bulshada si toos ah loogu baahiyo, si shacabku ay ula socdaan”.

Previous Post

Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha Soogalootiga oo ka qeyb-gashay Shir muhiim ah

Next Post

Ciidamada Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Next Post
Ciidamada Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Golaha Wasiirrada XFS oo baaq ka soo saaray abaarta ka jirta dalkeenna

February 5, 2026
0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS ayaa kulankoodii maanta kaga hadlay xaaladda daran ee abaaraha dalka ka jira, waxa ayna soo saareen...

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Somalia-Egypt Bilateral Meeting Highlight Strategic Partnership

February 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali held consultations today...

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Labada Dal

February 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay...

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka

February 5, 2026
0

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Aqalka Sare kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In