Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay faah-faahinta malesshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo muddo sanado ah u xirnaa kooxda Khawaarijta arxanka-daran ee Al-shabaab oo inta ay Xabsiyada kala baxeen meelo kala duwan ku khaarijiyeen.
Maleeshiyaad boqolaal gaaraya oo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee ka tirsanaa Daacish oo Al-shabaab muddo Shan ah xabsiyo kala duwan ugu xirnaa ayay Khawaarijtu Al-shabaab khaarijiyeen labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyagoo tallaabadaas uga dan leh in ay ugu aargudaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaaab oo lagu baabi’iyay dagaallo iyo qaraxyo ay Daacish ka geysteen buuraha Golis ee gobolka Bari.
Maleeshiyada Daacish, ee Al-shabaab ay khaarijiyeen waxaa lagala soo baxay xabsiyo ay dadka ku ciqaabaan Khawaarijta oo ku kala yaala Sakow, Jilib iyo Kuunya-barow oo ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha hoose, iyadoo si bareer ah loogu laayay duleedyada saddexdaas degmo.
Wararka ay warbaahinta Qaranka ka heshay gudaha Khawaarijta Al-shabaab waxay xaqiijiyeen ka hor tallaabadan khaarijinta ah inta aysan qaadin waxay horjoogayaasha Khawaarijtu isugu yeereen xaasaska ay qabeen maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Daacish ee ay dileen, iyagoo u sheegay in nimankooda Diin ahaan ku xirmin oo laga fasaqayo, waanna ficil ay kooxdu caan ku tahay.
Goobaha ay maleeshiyada Al-shabaab ugu yeerteen xaasaska maleeshiyaadka Daacish ee ay ugu dambeynna dileen waxaa ka I’d ah deegaanka Buulo-fullaay ee gobolka Baay.
Amarka lagu khaarijiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish ee in muddo ah maxaabiis ahaan ugu jiray gacanta Al-shabaab, waxaa bixiyay horjoogaha dhagarta badan ee Khawaarijta Al-shabaab awoodda ku dhex leh ee Mahad Karataay,iyadoo fulinta howshaasina ay qabteen labo horjooge oo aad ugu dhow, kuwaas oo kala ah Liibaan Cali Cabdi oo magaciisu afgarashada uu yahay ” Saacid”, iyo Sahal Baabul Qowf oo labadaba ka soo wada jeeda deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.
Dad deegaanka ah oo ku sugan goobaha ay maleeshiyada Khawaarijta ku laayeen boqolaalka maleeshiyo ee ka tirsan kooxda argagixisada ee Daacish, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed in ay arkeen Al-shabaab oo duleedka degmooyinka Jilib,Kuunya-barow iyo Sakow xabaalo-wadareedyo ku aasaya meydadka maleeshiyaadka Daacish ee sida tira-beelka ah ay u laayeen.
Khilaafka iyo is-ugaarsiga ka dhex jira kooxaha Khawaarijta iyo argagixisada wada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo soo jiidamayay sanado badan ayaa sii xoogeystay shantii Sano ee la soo dhaafay, wallow la wada ogyahay wax xaq ah oo mideynayay ama ku heshiiyeen aanu jirin, marka laga reebo in ay banneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Xiisaddu waxay faraha ka baxday oo ka sii dartay labadii bilood ee ugu dambeysay markaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish weeraro isugu jira dagaal toos ah iyo is qarxin ah ay ku qaadeen xarumo Khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo ay Daacish ku laayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.