Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay gaba-gabada fadhiga loo dhanyahay ee shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Jidda ee Dalka Saudi Arabia.

Shirkaan oo ay fadhiyeen dhammaan wasiirada Maaliyadda Dalalka Islaamka iyo gudoomiye-yaasha Bangiyada Horumarinta ayuu wasiirka maaliyadda Soomaaliya ka horsheegay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariigay in loo baahan yahay in dalalka Islaamka ee ku bohoobay Bangiga Islaamka iyo Madaxweynaha Bangiga ay si gaar ah u la shaqeeyaan dalalka ka soo kabanaya dagaalada sukeeye oo ay Soomaaliya ka mid tahay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay hadda ku socoto dariiqii rajada, kana gudbaysa Caqabado waayweyn oo ay ka mid yihiin dhibaatada laga dhaxlay arrimaha argagixisada, Abaaraha,  iyo Saameyntii Covid-19.

Gunaanadkii khudbadda wasiirka maaliyadda waxa uu kaga codsaday Dalalka Islaamka in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan dhameystirka barnaamijka deyn-cafinta oo hadda soo gaaray heer gabo-gabo ah maraya.

Previous Post

Ciidanka Sirdoonka oo fashiliyey shabakad khawaarij ah oo isku urrursanayey deegaanka Sabyo

Next Post

Minister of Finance delivers speech at the Islamic Development Bank meeting in Jeddah

Next Post
Minister of Finance delivers speech at the Islamic Development Bank meeting in Jeddah

Minister of Finance delivers speech at the Islamic Development Bank meeting in Jeddah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxweynaha Hay’adda...

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

August 8, 2026
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday hey'adda Refugees International (RI), oo...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In