Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka dalka.
Kulanka ayaa waxa ay isaga xog-waraysteen xoojinta wada shaqeynta, dhiirigelinta iyo horumarinta iskaashatooyinka.
Wasaaradda, ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanayd horumarinta Iskaashatooyinka dalka, maadaama ay laf dhabar u yihiin dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliyeed.