Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ayaa maanta in kabadan 500 oo Qoys waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qeybisay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Deeqdaan mucawinada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka, waxaana dadkii la gaarsiiyey ay isugu jiraan dad danyar ah, agoon iyo kuwa ka soo barakacay coladaha, gargaarkan ayaa inooga yimid dowlada Isutagga Imaaraatka Carabta.
Goobta lagu qeybinayey deeqdaan mucaawinada ah ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hyay’adda SoDMA.