Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug, Mudane Cumar Cabdi Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye) Ayaa maanta gaaray degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.
Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta wafdiga wasiirka ku soo dhaweeyey degmada Xeraale.
Ujeedka safarka Wafdiga Wasiir Cumar Guureeye ayaa daaran Dardargelinta dhismaha Golaha deegaanka ee Degmada Xeraale.