Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka wadatashiga istaraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 23, 2023
in Wararka
0
Kulanka wadatashiga istaraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) ayaa maalintii labaad galay, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya madaxda qeybaha Warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Wasiirka mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa maanta ka qeyb-galay, isaga oo khubarada ka qeyb galaysa ku boorriyay in si wanaagsan loo qaadaa dhigo baahida bulshada ee la xiriirta farriimo wanaagsan , kuwaas oo ah kuwo mideysan oo sare u qaada isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

September 17, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

September 17, 2025

Kulanka oo shalay Muqdisho ka furmay ayay ka qeyb galayaashu kaga doodayaan muddada uu socdo sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xusay in ay Wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mideysan, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu ay la wadaageyso shacabka.

Wadatashigan qoridda istaraatiijiyadda ee shalay furmay waxaa xigaya wadatashiyo lala sameyn doono dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kale ee muhiimka u ah dhismaha istaraatiijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo New York kaga qeybgalaya shir muhiim ah

Next Post

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta degmada Ceeldheer u qabtay geesiyaasha Ciidanka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In