Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay, in Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xabbad joojin rasmi ah oo dhexmarta dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan.
Bayaankan wada jirka ah ayaa lagu sheegay, in labada dhinac ee uu u dhaxeeya dagaalka ka socda Suudaan aysan isku xilqaamin ka mira dhalinta heshiisyadii horay loo gaaray ee ku saabsanaa in labada dhinac ay joojiyaan Xabadda.
War saxaafadeedkan wada jirka ah ee ka soo baxay Riyaadiyo Washington ayaa lagu yiri: โBoqortooyada Sucuudiga iyo Maraykanku waxay ku baaqayaan in la xoojiyo heshiiskii xabbad-joojinta ee ay kala saxeexdeen ciidammada qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa Taageerada Degdegga ah, si wax looga qabto xaaladda biniโaadannimo ee ka jirta Suudaanโ.
Dalka Suudaan ayaa Shan toddobaad ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, sidokale intii ay socdeen dagaaladan ayaa waxaa ka dhashay xaalado bini’aadannimo oo kala duwan.