Xafiiska Mareykanka u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye ee Waaxda lacagta ayaa xayiraad ku soo rogay 26 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Xayiraaddaan oo sidoo kale lagu soo rogay todobo shirkadood , ayaa waxaa dadka Liiskan lagu xusay kamid ah 15 fududeeye, hogaamiye goboleedyo muhiim u ah Al-shabaab iyo Afar Nin oo Ganacsato ah oo dhoofiya dhuxusha, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanyahiin Khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab.
Dadka la xayiray ayaa la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen fududaynta dhaqaalaha, hawlaha Ganacsiga, Canshuuraha lagu uruuriyo magaca kooxdan, samaynta waxyaabaha Qarxa iyo dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Soomaaliya, taasi dhaqaalaha ka soo baxa lagu saacida argagixisada.
Xubnahan lala xiriirinaya inay ka mid yahiin Al-Shabaab ayaa waxay warbixinta Maraykanka ku sheegtay inay ka mid yahiin hogaamiye goboleedyo muhiim u ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ku sugan gobalada Shabeellada Hoose, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.
Liiska dadkan ee ay shaacisay warbaahinta Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah.
Xasaan Abshir Xuurow
Aadan Yusuf Siciid Ibraahim
Muumin Dheere
Macalin Burhan
Cali Axmed Xuseen
Axmed Kabadhe
Siyaad Ayuto
Maxamed cabdullaahi Xiireey
Cabdi Roobow (Roobow)
Xasan Yariisow Aadan
Siciid Cabdullaahi Aadan
Aadan Jiis
Cumar Guhaad
Cali Axmed
Bashiir Khaliif Muuse
Maryan Barre
Cabdiwahaab Nuur Cabdi.