Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay War-saxaafadeed la xiriir Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkan.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Imtixaanka Dugsiyadda sare oo saaka dalka ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxa ay guul weyn u rajaynavsaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta oo ah 27ka bisha Maajo, 2023, u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023. Waxa ay Wasaaraddu sidoo kale bogaadinaysaa mas’uuliyiinta, hawlwadeenada, iyo ciidamada ammaanka ee maanta u taagan sidii ay ardaydu u heli lahaayeen jawi deggan oo habsami leh, oo ay imtixaanka shahaadiga ku galaan.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026

Waxa maalmihii la soo dhaafay jiray arday, sida ay warbaahinta iyo baraha bulshada la wadaageen, ka cabanayay in laga reebay liiska ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, ee fasalka 12aad ee sannad-dugsiyeedkan 2022/2023.

 

Wasaaradda Waxbarashada waxa ay baaris ku sameeysay cabashooyinkii ardaydan, waxaana u caddaatay in ardaydani aysan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada, xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog-kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka (EMIS).

 

Waxaa ay Wasaaraddu baaris ku waddaa dugsiyadii sida baalmarsan sharciga sooyaalka iyo hannaanka waxbarashada dalka ku kacay, ee ardaydan aanan xogtooda la haynin ay wax ka baranayeen. Dugsigi ay ku caddaato in ay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan, waxaa la la tiigsan doonaa sharciga.

 

Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay u taagan tahay ilaalinta hufnaanta habraaca waxbarshada dalka. Sidaa darteed, Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay ku wargalinaysaa waalidka Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadaan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hannaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalka, had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda.

 

Ugu dambayntii, waxa ay mar kale Wasaaradda Waxbarashadu guul u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliveed ee sida habsamida u soo dhamaystay waxbarashadoodii 12 ” sanno, ee manta imtixaanka ugu dambeeya dugsiga sare u fariisanayo.

Previous Post

Wasiiru dowlahii hore ee Wasaaradda amniga gudaha oo sheegay uu khilaaf soo wajahay khawaarijta

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta daahfurtay Ololaha Tallaalka dabeysha

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta daahfurtay Ololaha Tallaalka dabeysha

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta daahfurtay Ololaha Tallaalka dabeysha

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In