Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo khubad ka jeediyay shirka Madasha Caafimaadka Adduunka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
May 29, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo khubad ka jeediyay shirka Madasha Caafimaadka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa khudbad ka jeediyay shir-doceed looga hadlayay sidii loogu heli lahaa xarumaha Caafimaadka koronto ku shaqaysa cadceedda.

Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva, ayaa waxaa soo abaabulay Hay’adda UNOPS.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiirada Caafimaadka oo ka kala socday Wadamada kala ah Ethiopia iyo Sierra Leone. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hay’ado farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan,ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah, waayo wuxuu indhaha beesha Caalamka kusoo jeediyay doorka tamarta qoraxdu ay ka qaadan karto horrumarinta bixinta adeegga Caafimaadka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka waayadii u danbeeyay ay waday dadaalo xarrumaha Caafimaadka lagu gaadhsiinayo korantada laga dhalliyo tamarta qoraxda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam,ayaa shirka ka sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaadka oo kor u qaada bixinta adeeg Caafimaad oo aan saamayn xun ku reebin shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegay in ay ka go’antahay Wasaaradda Caafimaadka in xarrumaha Caafimaadka dalka lawada gaadhsiiyo korontada laga dhalliyo tamarka qoraxda.






Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga Baarlamaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga Baarlamaanka

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In