Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu yahay Howlgalka Cusub ee ay Dowladdu ku dhawaaqday (Warbixin)

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Muxuu yahay Howlgalka Cusub ee ay Dowladdu ku dhawaaqday (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaabul xooggan oo ay sameysay Dowladda Soomaaliya, ciidamada Xoogga iyo shacabkaba waxay ku guuleysteen in ay soo gabagabeeyaan wejiga koowaad ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-shabaab oo meelo badan looga xoreeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay diyaariyeen wejiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026

Howlgalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka awood badan yahay midkii hore, muhiimadiisuna wuxuu ku tilmaamay inuu yahay kii ugu dambeeyay oo lagu afjarayo argagixisada.

” Waxaa dib u bilaabanaya wejiga labaad ee howlgallada,kaas oo noqonaya midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii Alle idmo, Khawaarijta Al-shabaab waa cudur  daawadiisu ay tahay in la dabar-gooyo kaliya, Dowladda aan anigu hoggaamiyo madaxweynahana aan ka ahay oo aad adinku ii doorateen waxaa go’aan iga ah in la ciribtiro Al-shabaab, loogu gallo goob iyo god kasta oo ay ku jiraan, ” ayuu yiri madaxweynaha JFS Xasan sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa labada gole ee Baarlamaanka, wuxuu ka hor sheegay in wax siyaasad ah ayssan ka lahayn dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta,dagaalkana uu yahay mid cibaado ah.

” Inaan labada gole ee Baarlamaanka hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab uusan ahayn mid dano siyaasad laga leeyahay ama Ajende siyaasadeed mid dhow iyo mid laga leeyahay inuusan ahayn, dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ahan mid  siyaasad iyo gor gortan ka furan yahay,sidaasi daraateed, waxaan aaminsan nahay in laga fogaado is qab-qabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo ku abuuri kara Khawaarijta haddii Alle yiraahdo,”.

Howlgalka lagu doonayo in Soomaaliya looga dhigo mid ka caaggan Khawaarijta, waxaa bar bar socda sidii ciidanka qaranka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

” Hadda waxaa la joogaa waqtigii aan amnigeenna iyo talladiisa dalkeenna aan ka wareegi lahayn oo ah iyadana markii ugu horeysay dowladnimadeennu halkii ay ka hana qaadi lahayd, Dal gobnimadeennuna maalintaas un bey dhab tahay haddii Alle yiraahdo,”.

Wejigii koowaad ee dagaalka ayaa mira dhalay, waxaanna suurta gashay in Al-shabaab laga xoreeyo deegaanno iyo degmooyin badan oo ay muddo 15-sanno ku dhow dadka ku dhibaateyn jiraan, kuwaas oo hadda shacabka si nabad ah ugu nool yihiin.

 

Previous Post

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan oo ku heshiiyay xabbad joojin

Next Post

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baraawe

Next Post
Guddoomiyaha golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baraawe

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baraawe

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah...

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
0

Afartaan Eedeysane, ayaa lagu Eedeyey Kamid Noqoshada Khawaarijta oo ay qaabilsanaayeen Fulinta Qaraxyada, Dilalka Gaadmada ah, Basaasid, Tashkiilin iyo Kala...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In