Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda International Medical Crops (IMC).
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey Wakiilka IMC ee Soomaaliya Ronald-Paul Veilleux, isagoo Agaasimaha la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada ay ka wadaan Caasimadda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta Caafimaadka gobolka Banaadir.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadasheynta, dardar gelinta iyo kor u qaadista adeeg bixinta Caafimaadka.
Agaasime Dr. Cabdiraxmaan ayaa Ronald-Paul Veilleux iyo mas’uuliyiintii la socotay ugu mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay u hayaan Shacabka Caasimadda, isagoo ka codsaday iney sii laba jibaaraan.
Hay’adda IMC ayaa qeyb ka ah hay’addaha taageera Mashaariicda iyo barnaamijyada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka gobolka Banaadir.