Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa hadal jeedin ka sameeyey shir heer sare ah oo u qabsoomay habka fogaan-aragga ah kaas oo looga hadlayay canshuur ku kordhinta Tubaakada iyo Nikotiinka si loo xakameeyo.
Shirka waxaa soo abaabulay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee xafiis goboleedka EMRO, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Caafimaadka ee Dowladaha ku bahoobey EMRO.
Wasiika ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto isticmaalka tubaakada iyo saamaynta ay ku leedahay Caafimaadka bulshada, waxa uuna tilmaamay in canshuurta oo lagu kordhiyo ay hoos u dhigi karto isticmaalka baahsan ee Tubaakada.
Waxa uuna sidoo kale soo bandhigey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay todobaadkan u gudbineyso Golaha Wasiirada Axdi qarameedka WHO ee xakamaynta Tubaakada si loo badbaadiyo nolasha Muwaadiniinta Soomaaliyeed, meelmarinta Axdigan ayaa ka dhigan tallaabooyinka horumarka leh ee lagu dhimayo isticmaalka tubaakada.
Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah Tubaakadda, sidoo kale waxa uu carabaabay talaabooyin ay Wasaaraddu qaaday oo ay wax kaga qabanaysey wacyigelinta bulshada si loo yareeyo maandooriyaha halista ku ah nolasha beni’aadamka.