Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Golaha Wasiirada u gudbineyso Axdi qarameedka WHO ee xakamaynta Tubaakada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Golaha Wasiirada u gudbineyso Axdi qarameedka WHO ee xakamaynta Tubaakada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa hadal jeedin ka sameeyey shir heer sare ah oo u qabsoomay habka fogaan-aragga ah kaas oo looga hadlayay canshuur ku kordhinta Tubaakada iyo Nikotiinka si loo xakameeyo.

Shirka waxaa soo abaabulay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee xafiis goboleedka EMRO, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Caafimaadka ee Dowladaha ku bahoobey EMRO.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Wasiika ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto isticmaalka tubaakada iyo saamaynta ay ku leedahay Caafimaadka bulshada, waxa uuna tilmaamay in canshuurta oo lagu kordhiyo ay hoos u dhigi karto isticmaalka baahsan ee Tubaakada.

Waxa uuna sidoo kale soo bandhigey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay todobaadkan u gudbineyso Golaha Wasiirada Axdi qarameedka WHO ee xakamaynta Tubaakada si loo badbaadiyo nolasha Muwaadiniinta Soomaaliyeed, meelmarinta Axdigan ayaa ka dhigan tallaabooyinka  horumarka leh ee lagu dhimayo isticmaalka tubaakada.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah Tubaakadda, sidoo kale waxa uu carabaabay talaabooyin ay Wasaaraddu qaaday oo ay wax kaga qabanaysey wacyigelinta bulshada si loo yareeyo  maandooriyaha halista ku ah nolasha beni’aadamka.

Previous Post

Wasiirada Maaliyadda XFS oo shir u furay Wasiiradda Maaliyadda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Next Post

Wasaaradda Batroolka XFS oo shirkadaha shidaalka ku wargelisay inay is diiwaangeliyaan

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Batroolka XFS oo shirkadaha shidaalka ku wargelisay inay is diiwaangeliyaan

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In