Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili oo Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soo dhaweeyay dalkaas.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo Iskaashiga ciidamada, iyagoo isla soo hadal qaaday Iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
“Taliyaha waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labadeena dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada caalamiga ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac