Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia oo uu barri ka furmayo shirka 22aad ee COMESA.
COMESA oo ah suuqa guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa shirkiisa 22-aad oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota Qaaradda Afrika lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor u qaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.