Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo wehliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada Galmudug iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa xariiga ka jaray dhismaha cusub oo ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Munaasabadda xarig jarka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo marti sharaf kale.