Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalkeenna ayaa kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo  hirgaliyo  hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka  ay kula wareegayaa amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada Al shabaab.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025

Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale  sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

 

Previous Post

Shir ku saabsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey Nairobi

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In