Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa soo xirey Shir waynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) oo labo maalin ka socday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ahaa mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maadaama qorshuhu yahay sidii loo helli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh, taas oo kor u qaadeysa guud ahaan tayada iyo adkaysiga Caafimaadka Soomaaliya.

Related posts

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025

Intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay doodo, Cilmibaarisyo kala duwan oo dhamaan ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Shaqaalaha Caafimaadka, waxaana sidoo kale shirka laga soo jeediyey Khudbado kala duwan oo lagu dul istaagey hiigsiga tayeynta Caafimaadka iyo Shaqaalaha, maadaama qeybta Caafimaadka ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan bulshada.

Shirka Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka ayaa laga soo saarey Warmurtiyeed balaaran oo lagu faahfaahiyey nuquladii kasoo baxay shirka socday muddada labada maalin ee ay kasoo qeybgaleen dhamaan dhinacyada uu quseeyo Caafimaadka.

Munaasabadda xiritaanka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka waxaa kasoo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiro heer Federaal ah, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubno ka socda Hey’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka, xirfadlayaasha Caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo daneeyayaasha Caafimaadka dalka oo dhan.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
0

Ku dhawaad 50 arday oo ka qaybgalaya Barnaamijka Tababarka Internet of Things (IoT) ee Beerashada Casriga ah ayaa booqasho waxbarasho...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King,...

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In