Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa soo xirey Shir waynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) oo labo maalin ka socday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ahaa mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maadaama qorshuhu yahay sidii loo helli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh, taas oo kor u qaadeysa guud ahaan tayada iyo adkaysiga Caafimaadka Soomaaliya.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026

Intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay doodo, Cilmibaarisyo kala duwan oo dhamaan ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Shaqaalaha Caafimaadka, waxaana sidoo kale shirka laga soo jeediyey Khudbado kala duwan oo lagu dul istaagey hiigsiga tayeynta Caafimaadka iyo Shaqaalaha, maadaama qeybta Caafimaadka ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan bulshada.

Shirka Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka ayaa laga soo saarey Warmurtiyeed balaaran oo lagu faahfaahiyey nuquladii kasoo baxay shirka socday muddada labada maalin ee ay kasoo qeybgaleen dhamaan dhinacyada uu quseeyo Caafimaadka.

Munaasabadda xiritaanka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka waxaa kasoo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiro heer Federaal ah, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubno ka socda Hey’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka, xirfadlayaasha Caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo daneeyayaasha Caafimaadka dalka oo dhan.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026
0

Wasiika Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In