Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 17, 2023
in Wararka
0
La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay markii uu ku guuleystay markii labaad sanadkii hore inuu ka adkaaday Al-Shabaab ay tahay muhiimada ugu weyn ee dowladda.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku baaqay in la kordhiyo abaabulka maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan โ€œMacaawisleyโ€ si loo dhameystiro howlgallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo xulafada kale. โ€œWaxaad noqotaan Shabaab amaba kan la diriraaya al-Shabaab, mana jiraan wax u dhexeeya,โ€ Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku yiri khudbad uu ka jeediyay telefishinka.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Dawladdu waxay siisaa maleeshiyo beeleed taageero saadka, cunto iyo taakuleyn caafimaad. Muhiimadda Qabiiladu waxay tahay, waxay isku xiraan ciidanka iyo dadka deegaanka waxayna muujinayaan inay yihiin qaybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee u soo jeesteen al-Shabaab sidii ay ula dagaalimi lahaayeen, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha Caalamiga ah.

Madaxweyanah awaamiirtiisa iyo sida ay uga goโ€™an tahay โ€œdagaalka guudโ€ ee ka dhanka ah al-Shabaab โ€œwuxuu bilaabayaa inuu kasbado kalsoonida odayaasha beelaha waaweyn iyo beelahooda iyo sidoo kale saaxiibada caalamiga ah,โ€ sida ay Liibaan Obsiiye iyo Liibaan Xuseen ku sheegeen maqaal lagu daabacay Doodaha Afrikaanka. โ€œIskaashigan xoojinta ah waa waxa sii xoojinaya dagaalka iyo gaarsiinta guul midba midka kale ka soo gaarta goobta dagaalka,โ€ Obsiiye iyo Hussein ayaa qoray. Baaqa Xasan Shiikh Maxamuud ee ficilka ayaa keenay natiijooyin deg-deg ah.

Weerarkii ugu horreeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ku hareereysan caasimadda dalka ee Muqdisho. Intii uu socday dagaalkaasi, oo socday Agoosto 2022-kii ilaa Janaayo 2023-ka, Ciidanka Soomaaliya ayaa xoreeyay 70 Deegaanno, waana qiyaastii ย Weerarka dib ula wareegay seddex meelood meel dhulka ay ka taliso al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in wejigii koowaad ee weerarrada lagu dilay 3,000 oo maleeshiyo Al-shabaab ah, in ka badan 3,700 oo kalena lagu dhaawacay, kuwaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka gurmad u fidiyay dagaalyahannada โ€œMacaawisleyโ€ oo qaarkood ay yihiin dad daโ€™ ah.

Haddaba maxaa uga qorsheysan Dowladda Soomaaliya Deegaanadaasi dib loo xoreeyay?

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaarisay qorshayaal la magac baxay Barnaamijka Xasilinta iyo dowlad gaarsiinta Deegaananada lagala wareegay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo muddo ka baadan 10 sano ah arag waxtarka Dowladnimada, waxayna dowladdu isku daba wadaa qeybta dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka iyo qeyb kale oo lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga u ah Bulshada ku dhaqan deegaannada laga dul qaaday Kooxda arxanka daran, adeegyadaasi oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, Waxbarashada, amniga iyo adeegyada kale ee loo baahaan yahay, waxaana marqaati ah sida Degmooyinka Qadiimiga ah ee kala ah Aaden Yabaal iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Shabeelada dhexe iyo Galmudug loo gaarsiiyay adeegyo sida maacaawinooyin iyo in la galiyay Layrarka ku shaqeeya Ileyska Qoraxda oo ay uga baxeen Mugdii iyo cabsidii ay ku jireen muddooyin badan, islamarkaana waxaa ka socda dib dhisyo dhinacyo badan.

Dadaalka Dowladda waxaa kaloo ka mid ah in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga dalka Norway, ayaa ย ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada โ€œMadasha Osloโ€ taas oo lagu falanqeeyey โ€œWejiga Soomaaliya ee dedaallada dib u xorreynta kadibโ€, isagoo ku dheeraaday dib u xorreynta dalka, howlaha xasilinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talo galay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa la qaban doono dhowaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah ooย  qeyb ka ah โ€œMadasha Norwayโ€ taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.

Wararka naga soo gaaray magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa sheegaya in kulaasi diiradda lagu saaray kooxaha argagixisada, degaanada laga xoreeyay sidii Qorshe dib u soo nooleyn kara adeegyada asaasiga ah iyo habka ugu haboon oo loo wacyi gelin karo in afkaarta khaldan ee muddada kooxdu ku shubeysay Dadka Degaanka.

Kulankaan oo loogu magac daray โ€œMadasha Osloโ€ waxaa warbixin guud looga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ka xog-warramay xaaladda degaannada ay la wareegtay Dowladda iyo sidii looga hirgelin lahaa tiro Mashruucyo ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xarumaha Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Amniga.

Intaa waxaa dheer in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka mid yihiin kuwa aqoon dheer u leh Diinta Islaamka, kuwaasi oo wacyigaliya Ciidanka iyo Bulshada ku dhaqan Deegaannada dib loo xoreeyay argagaxisada Alshabaab, maadaama ay ku jiraan Jihaad, iyagoo faraayana waxyaabaha looga baahan yahay iyo kuwa ka xaaraameysan Ciidanka Dagaalka kula jira Khawaarijta.

Previous Post

Shan hablood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay dalka Maraykanka

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC ee ka Shaqeeya Horumarinta iyo Amniga

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC ee ka Shaqeeya Horumarinta iyo Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC ee ka Shaqeeya Horumarinta iyo Amniga

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In