Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta Nabadgelyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta Nabadgelyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay shir gaar ah oo ku saabsan dardar galinta Sugida Amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga munaasabadaha isa-saaran ee Ciidul Adxa iyo Todobaadka Xorriyadda, kaas oo ka dhacay Xarunta Qeybta Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyed.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiisha Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiil kale.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray cutubyo tababar uga socda Xananbuure

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray cutubyo tababar uga socda Xananbuure

May 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Yemen ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Yemen ee Soomaaliya

May 16, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa warbixin ku saabsan amniga Caasimadda ka dhageestay qaar kamid ah saraakiishii shirkan ka qeyb gashay, kuwaas oo soo gudbiyay guulihii laga gaaray howlgaladii ay sida wadajirka ah u fulinayeen ciidamada qalabka sida iyo sida loogu diyaar garooway munaasabadaha Ciidul Adxa iyo maalmaha Xorriyadda oo nagu soo foodleh.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho Mudane Madaale ayaa faray saraakiisha Amniga iyo guddoomiyaasha Degmooyinka in la xoojiyo howlaha Sugida Amniga, iyada oo la kaa shanayo shacabka islamarkaana si wadajir ah loogu diyaar garoowo weyneynta todobaadka Xorriyada iyo munaasabada Ciidul Adxa.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Jabuuti

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku nafwaayay dagaalka Garoowe

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku nafwaayay dagaalka Garoowe

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray cutubyo tababar uga socda Xananbuure

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray cutubyo tababar uga socda Xananbuure

May 16, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dallka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Yemen ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Yemen ee Soomaaliya

May 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yeman u fadhiya Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulankii ugu horeeyay la-qaatay Agaasimayaasha, Maareeyayaasha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulankii ugu horeeyay la-qaatay Agaasimayaasha, Maareeyayaasha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda

May 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud,...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In