Ciidamada Xoogga dalka iyo ku degaanka oo is kaashanaya ayaa qaarijiyey horjoogihii Khawaarijta Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada Cali afrax, xiltiro, Ceel-raydab iyo Meexaan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Siciid Cali Maxaa dheere.
Weriyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Abdulahi Warsame Roble ayaa sheegay in Horjoogahan la dilay uu Khawaarijta ugu magacawnaa Madaxda Sakawaadka degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka lagu dilay horjoogahii Lacagaha baadda u aruurin jiray maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidamada ayaa ninkan ka soo furtay Qori AK-47 ah oo uu watay, waxaana sida la sheegay goobta si dirqi ah ugu baxsaday nin ku waday mootada laba lugood leeyda ah ee loo yaqaano (Fekon), Sida uu kusoo waramayo Weriyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Abdulahi Warsame Roble.