Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dib u casriyeynta Darjiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamarweyne oo kamid goobaha qadiimiga ah ee ku yaalla Caasimadda Muqdisho.
Goobtaan uu dhagax-dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ah goob Taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgaliyay nus qarni ka hor, waxaana oo loogu talagalay in ay isugu timaado bulshadu, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wadasheekeysiga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan-qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay ka goโan tahay dib u soo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee ka turjumaya jiritaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.