Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Bisha Cas Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Bisha Cas Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Wafdi uu huggaaminaayey Agaasimaha cusub ee Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya Niyazi kalaycı, waxaana kulankan qeyb ka ahaa Agaasimihii hore Hassan Celalettin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada hay’addood, Tababaridda shaqalaha ka howgala xarumaha gurmadka deg-degga ah iyo dadka ku nool meelaha dhibaatada ka dhici karto iyo helista qalabka gurmadka deg-degga ah, in Bisha cas Turkiga ay Hay’adda SoDMA ka caawiso helista xarumo dhiiga lagu keediyo, in deegaannada khawaarjta laga saaray la gaarsiiyo gargaar,iyo in mashaariicyo dadka iyo dalka muhiim u ah laga fuliyo deganadaas iyo guud ahaan dalka.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Guddoomiyaha  hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Maxamuud Macalim ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha cusub, isaga oo u rajeeyey in uu dardargalin doono howlaha ben’aadannimo ee dalka ka wadaan, dhanka kale Guddoomiye Maxamuud ayaa  Agaasimihii hore Hassan Celalettin uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneed ee dhexmartay inta uu xilka hayey, isaga oo u rajeeyey meelo kale oo wanaagsan.

Previous Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada oo maanta la wareegay xilkiisa

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray goobaha lagu saxayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray goobaha lagu saxayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray goobaha lagu saxayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In