Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa labo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay deegaanka Baraag-Ciise oo hoostaga degmada Hobyo ee Gobalka Mudug, kadib markii ay ku weerareen goob ay si dhuumaalysi ah isugu dayayeen inay dadka lacago baad ah uga qaadaan.
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa Horjeege si wayn looga yaqaanay deegaanka, kuna caanbaxay baadda iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah.