Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumaineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka oo mashaariic horumaineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay dhagax dhigeen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baraawe iyo xarunta TB-da ee Isbitalka degmada, taasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka ku dhaqan magaalada Baraawe.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Dr; Liibaan Abuukar Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka wafdiga uu ujeedkiisu ahaa dhagax dhigga xarunta TB-da ee daryeelka Caafimaadka asaasiga, taas oo muhiimad weyn u leh shacabka ku dhaqan Caasimadda dowlad goboleedka koofur galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicdan horumarineed oo ay ka mid yihiin wadda xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada Baraawe oo uu dhererkeedu yahay 8-KM iyo xarunta TB-da ee Isbitaalka Magaalada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS, Marwo, Khadiijo Maxamed Al-maqsuumi ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka shaqayn doonto  sidii loo horumarin lahaa magaalada iyo bacaadka maalmihii ugu dambeeyay ku fidayay xaafadaha degmada.

Mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka koofur galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koofur galbeed iyo Bankiga Adduunka.

.

Previous Post

Xoghayaha Guud ee NATO oo shaaciyay in Erdogan uu aqbalay ku biirtaanka Sweden ee  NATO

Next Post

Waa kuma horjoogaha Khawaarijtu ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Horjooge iyo maleeshiyaad katirsanaa Khawaarijta

Waa kuma horjoogaha Khawaarijtu ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In