Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ah yeeshay ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka oo uu shir-guddominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas ayaa waxaa looga hadlay qodobada kala ah:-
1) Falanqeynta Qorshe Howleedka Guddiga Difaaca ee kalfadhiga 3aad
2) Dib-u-eegista xubnaha guddi hoosaadyada Guddiga Difaaca
3)-Falanqeynta isbadalada ka dhacay taliska xooga iyo sidii shaqadii soctay hore loogu sii wadi lahaa.