Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle.
Wafdiga Madaxweyanaha waxaa Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiin kale oo ka kala tirsan goleyaasha maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jowhar u tegay dardar gelinta wajiga labaad ee la dagaalanka Khawaarijta Al shabaab.