Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/07/2023 waxaa kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee villa hargeysa Guddiga xeerhoosaadka ee Golaha Shacabka Bàarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdisamad Maxamuud Xasan.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa xubnaha Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha Shacabka, wuxuuna ajandihiisu ahaa dardar galinta iyo sii wadista shirarka Guddiga.
Shirka waxaa aad loo lafa guray Shaqooyinka Guddi hoosaadyada iyo qeybinta shaqooyinka Guddiga, waxaana ugu danbeyntii shirka soo xiray Guddoomiyaha Guddiga.