Guddiga Ganacsiga ee Golaha Shacabka BJFS 11aad iyo Madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada XFS ayaa maqnta kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Kulanka oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Ganacsiga, dhaqaalaha, Maalagashiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh.Nuur Osman oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Marwa Qaali Cali Shire iyo Xubnaha Xildhibaanada Guddiga ayaa ajendaha kulanka ahaa la-xisaabtanka iyo Kor-joogteynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Jibrriil ayaa Guddiga Warbixin Guud ka siiyay howlaha baaxadda leh ee hor-yaala Wasaaradda waxyaabaha u qab-soomay waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo yoolkooda fog ee ay ku doonayaan inay ku Horumariyaan Adeegyada Ganacsiga Dalka.
Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalaha la xariiray Ganacsiga Dalka Qorsha-howleedka Wasaaradda iyo dhammaan Howlaha iyo shuruucda hor-tebinta uleh horimarinta Ganacsiga iyo dhaqaalaha Dalka.
Waxyaabaha kulanka Diirada lagu saaray waxaa kamid ah horumarinta iyo kor u qaadid wax soo saarka dalka
Sidoo kale Wasiirka waxaa wax laga weydiyay. Heshiisyada iyo xiriiryada Caalamiga ah ee ay Wasaaraddu gashay mudadii ay jirtay Xukuumadu Soomaaliya Wadamada Caalamka ee aynu xiriirka wanaagsan ee ganacsi inaga dheexeyo iyo sida ay Wasaaraddu u Maareeyso.
Dhanka kale waxaa Wasiirka wax laga weydiyay tirada u qaabilsanayasha ganacsiga ee safaaradaha kuwaaso dhawaan lamagacaabay in ay Wasaarada kumatalaan safaaradaha an ku leenahay dalalka uu xiriirka Ganacsiga naga dhexeeyo.
Wasiirka Ganacsiga ayaa ka jawaabay Dhammaan Su’aalihii ay weydiiyeen Xubnaha iyo Gudoonka Guddiga Ganacsiga ee Golaha Shacabka.
Gudoomiye Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa aad uga Mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Mas’uuliyiintii la socday, isagoo sheegay in muhiim tahay Wadashaqeynta isla xisaabtanka iyo Kor-joogteynta ka Guddi ahaana ay wax badan ka qaban doonaan waxkasta oo ay Wasaaraddu uga baahato guddiga gelinta iyo Ansixinta Shuruucda Horutebinta uleh Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.