Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 18, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarka kor u qaadista kaalinta gabdhaha ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta dalka oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya gabdho ka kala socda, Warbaahinta gaarka ah, ururada Warbaahinta, Warbaahinta maamulka gobolka Banaadir iyo Warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ugu horayn furitaanka tababarka sharxay muhiimadiisa ayaa tilmaamay in uu u gaar yahay gabdhaha suxufiyiinta ah, si kor loogu qaado doorkooda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Faarax Cumar Nuur Xoghayaha ururka Suxufiyiinta FESOJ oo ku hadlay afka ururruda iyo hay’adaha Warbaahinta ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta qabashada tababarkaan u gaarka ah dumarka xilligan, si loogu dhiira galiyo kaalintooda maamulka Warbaahinta, ayna muujinayso ahmiyadda gabdhuhu u leeyihiin horumarka saxaafadda.

Mudane Daa’uus Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay tababarkan ayaa sheegay in u jeedka ay u qabatay Wasaaraddu uu yahay xoojinta kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

“Tababarkan waxaan ugu talo galnay in ay ka faa’iidaystaan 30 gabdhood oo saxafiyiin ah, hiigsigeena waa in aan gobollada dalka oo dhan gaarsiino ilaa 150 gabdhood oo aan u tababarayno maamulka hay’adaha Warbaahinta, si kor loogu qaado kaalinta dumarka ee saxaafadda,” ayuu yirri Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiir Daa’uud ayaa intaas ku sii daray  in tababarkani uu qayb ka yahay barnaamijka dowlad-dhiska ee Soomaaliya ka socda, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in ay gabdhuhu door-weyn ku yeeshaan jiheynta ummadda.

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo aaladda fogaan aragga kula kulmay Madaxda Hay’adda IMF

Next Post

Guddiga Ganacsiga Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Ganacsiga XFS

Next Post
Guddiga Ganacsiga Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddiga Ganacsiga Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Ganacsiga XFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In