Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka  kor u qaadista kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Tababarka  kor u qaadista kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta oo lagu soo xiray Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan ay soo qabatay Wasaaradda Warfaafinta Galmudug oo kaashaysa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu soconayay muddo saddex maalmood ah, waxaa diiradda lagu saaray kor u qaadista doorka gabdhaha ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta ee deegaanada Galmudug.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Gabdhaha suxufiyiinta ah ee tababarka qaatay ayaa u mahad celiyay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta heer dowlad goboleed ee Galmudug, hirgalinta tababarkan si loo dhiira galiyo kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta, iyaga oo codsaday in la badiyo tababarka Gabdhaha saxafiyiinta ah loo qabanayo.

Cabdishakuur Cali Axmed oo ku hadlay magaca Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka ayaa ugu mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Galmudug sida wacan ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenida gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaannada Galmudug si ay uga faa’iidaystaan tababarka.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam ( Koronto) Lataliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixineysay ayaa kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta nabadda  iyo horumarka deegaannada Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiikhoow oo soo xiray tababarka ayaa u mahad celiyay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka kaashadeen qabashada tababarka si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Tababarkan oo ah kii labaad oo nuuciisa ah waxa uu qeyb yahay tababarro Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah ee ku nool xarumaha dowlad goboleedyada si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

 





Previous Post

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Catriona Laing

Next Post

Howlgal lagu bur-buriyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Next Post
Howlgal lagu bur-buriyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Howlgal lagu bur-buriyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In