Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo uu wehliyo Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo hey’adaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Midowga Ganacsatada Magaalada Konya, iyagoo ka wada hadlay fursaadaha Ganacsi iyo Wax-is-dhaafsiga labada Magaalo ee Muqdisho iyo Konya.
Labada Maamul ee Muqdisho iyo Konya ayaa isla qaatay in laga faa’ideysto fursadaha Ganacsiga ee labada Magaalo ka jira. Iyadoo Magaalada Konya loo iib-geyn doonno Qudaarta Nuucyadiisa kala gedisan iyo Kaluunka, halka Muqdisho loo iib keeni doonno Qalabka dhismaha, qalabka Beeraha iyo Maalgashiga dhinaca Warshadaha si looga maarmo in Soomaaliya loo soo dhoofiyo wax dhulkeeda lagu beeri karo.