Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da’da carruurta oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.
Siyaasadan oo waafaqsan heshiiska xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah.