Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Maxkamadda CQS oo xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsan XDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Gaalkacyo: Maxkamadda CQS oo xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsan XDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  Qeybta Galmudug ayaa shalay galinkii danbe  u fariisatay dhageysiga  Dacwad loo heysto eedeeysanayaal ka tirsanaa Ciidanka Gor gor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ahaa Dable xoogga Iidle Cumar Idiris kana mid ahaa  guutada 18 aad ee ururka 6aad ee ciidanka Gor Gor kaas oo  xafiiska xeer ilaalintu kusoo eedeeyay inuu dil bareer ah  u geystay Allaha u naxariistee Marxuumad Bilan Xaashi Salaad oo uu  ku dilay Dagmada Xarardheere taariiqdu markeey aheyd 29/06/2023 iyo Dable Qaasim Ciise Maxamed oo ku eedeysnaa in uu ku caawiyay dilka Bilan Xaashi Salaad oo  u dhiibay Qoriga  dilka lagu geystay

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan (Cabdullaahi Dheere). ayaa ugu horeeyn u akhriyay labada eedeeysane Dacwadda  uu kasoo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Intaas kadib waxaa maxkamadda la horkeenay Marqaatiyaashii goob jooga ahaa markii uu dhacayay falka dilka ah

Kormeere koowaad  Xamdi Maxamuud Maxamed oo aheyd baarihii kiiska ayaa ka warbixisay baritaankii ay sameeyeen iyo natiijadii kasoo baxday

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle Sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa ka codsaday Garsoorka Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Falka ay geeysteen

Qareenkii u doodayay eedeeysanayaasha ayaa isna maxkamadda ka codsaday in fursad loo siiyo eedeeysanaha koowaad oo ah Iidle Cumar Idiris in ay ka wada hadlaan eheladiisa iyo tan marxuumadda geeriyootay, isagoo dhanka kalana difaacay eedeeysanaha labaad oo ah Qaasim Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray shalay fadhigii koowaad Maxkamadda.

Dhinaca kale Maxkamadda oo maanta u fariisatay fadhigii labaad ee eedeeysanayaasha ka tirsan Ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka ayaa ku dhawaaqday Xukunka

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan (Cabdullaahi Dheere) ayaa ku dhawaaqay xukunka,  isagoo sheegay in eedeeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga Iidle clCumar Idiris Barrow ay Maxkamadu ku xuntay dil toogasha ah, halka eedeeysanaha labaad ee ah Qaasim Ciise Maxamed lagu Xukumay Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah ayna u furan tahay racfaan muddada sharcigu qabo






Previous Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay George Conway oo ka tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo "SAWIRRO"

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In