Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 16-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen.

Ajandaha kulanka oo ahaa Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed, iyadoo xildhibaannadu ay soo gudbiyeen in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan warbixinta xuquuqul Insaanka ee Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo Xildhibaannada Golaha hortooda ka aqrisay hindise sharciyeedka, ayaa waxa ay sheegtay in dalka uu u baahan yahay xuquuq dhameystiran oo ay yeeshaan dadka naafada ah ee ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiyo Xildhibaano ah oo soo gudbiyeen warbixin ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo ay booqasho ka sameeyeen Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa waxay sheegeen in loo baahan yahay xuquuq ay yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaala dalka, waxayna soo jeediyeen dadka dembiyada yar yar loo heeysto in la cafiyo, si xabsiga oo ciriiri ah dadka loo kala yareeyo. Sidoo kale Xildhibaannadda waxay xuseen in qofka la soo xiro aan xabsiga lagu ilaawin, la maxkamadeeyo si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray, ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha faray in warbixinta seddaxda guddi ay soo diyaariyeen ku wareejiyo Guddiga Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.






















 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Mashruuca xalka waara “SAWIRRO”

Next Post

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dalka Turkiga 

Next Post
Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dalka Turkiga 

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dalka Turkiga 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka...

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegtay markii...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

August 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In