Lix qof ayaa dhimatay kadib markii dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah ay ku degtay Kanaalka biyaha badda ee u dhaxeeya Faransiiska iyo Ingiriiska.
Shilkaan oo maalinimadii Sabtida ka dhacay meel u dhow biyaha badda ee Faransiiska,gaar ahaan Calais, ayaa lagu badbaadiyay Konton iyo sagaal qof oo badankoodu ahaa Afgaanistaan,kadib kolkii ilaalada xeebaha Faransiiska iyo Ingiriiska ay ku baxeen shilkaasi.
Waxaa la joojiyay baadi goobka labo ruux oo maqan,iyadoo dadka la helay ay ku jiraan carruur u dhashay Afganistaan iyo Suudaa.
Lixda qof ee dhintay waxay ahaayeen rag dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Dalka Afgaanistaan,sidas ay wakaaladda wararka ee AFP ay u sheegeen Philippe Sabatier, ku xigeenka dacwad oogaha magaalo xeebeedka Faransiiska ee Boulogne.
Waa markii todobaad oo muddo ka yat bil gudaheed la badbaadiyo dad tahriibayaal ah sida ay ku warameen kooxaha gurmadka oo walaac ka muujiyay adeegsiga doomaha cilladeysan ee ay caadeysteen kooxaha wax tahriibiya.