Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa Gaalkacyo uga qeybgalay munaasabadda xuska 17 sano guurada aasaaska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Munaasabadda oo ay soo agaasimeen Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiinta kala duwan ee dowlad goboleedka u matalaysa heerarka kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadweyne badan oo ku labisan calanka Galmudug ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xafladda, iyada oo goobta looga hadlay Sooyaalka Galmudug, halka la joogo iyo hiigsiga.
Munaabada ayaa guud ahaan inteeda badan looga hadlay Qorshaha howlgallada la dagaallanka khawaarijta fara ku tiriskaa ee gabaadka ka dhiganaya qaar ka mid deegaannada Galmudug